Bogga Hore
|
Maqaalka Maanta

Hiba Maxamed Hodoon (Af Carabi: هبه محد هدون) ku caan ah magaca Hibo Nuura waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan. Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Hibo Maxamed Hodoon loo siiyay magaca weyn ee Hooyada Fanka Soomaaliyeed. Intaasi waxaa dheer, Hibo waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Hibo Nuura.
Badhtamihii sanadkii 2014ka, fanaanada Hibo Nuura waxay waxay ku dhawaaqdey ineey ka baxdey fanka iyo suugaanta, maadaama ay da' ahaan gaadhey heerkii lagu cibaadeysan lahaa. Fanaanadu waxay hada ku nooshahay magaalada Minneapolis, Minnesota ee wadanka Maraykanka. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Ma Ogtahay...

- ... in Qare (Qaro, Xabxab) (Sawirka) uu yahay miro lacuno oo aad uga baxa Soomaaliya iyo wadamada kale oo kulul?
- ... in Qaraha asal ahaan ka soo jeedo qaaradda Afrika, isla markaana maanta laga beero wadamo kale oo kulul sida Aasiya iyo Bariga Dhexe?
- ... in Qaraha uu u baahan yahay dhul aad u kulul, oo isla markaas ah dhul qaleel ah si uu si wanaagsan uga baxo?
- ... in meelaha saxaarada ah, gaar ahaan Waqooyiga Afrika, ay ku habboon yihiin beerta Qaraha, halkaas oo dad badan noloshooda ka helaan miro macaan?
- ... in Qaraha uu hodan ku yahay biyo iyo sonkor dabiici ah, taas oo ka dhigaysa miro macaan oo lagula raaxaysto cuntooyinka iyo cabitaannada?
- ... in Qaraha uu yahay miro dhaqameed muhiim u ah dhaqanka iyo cuntada dadka ku nool deegaanada kulul?
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Taariikh

Farta Boorama (sidoo kale loo yaqaano: Far Gadabuursi) waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far Soomaaliga taasi oo uu alifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Sida taariikhda lagu hayo, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey fartan sanadkii 1933 wakhtigaasi oo uu ku sugnaa magaalada Boorama, oo noqonaysa sababta farta loogu magacdaray magaaladaasi.
Toban sano ka hor intii aanu Sheekh Cabdiraxmaan alifin farta waxaa soo baxdey Farta Cusmaaniya taasi oo noqoneysa fartii ugu horeeysay dhulka Soomaaliyeed. Markii farta Borama soo shaacbaxdey waxay noqotey mid ka sahlan qorista iyo akhriska isla markaana ka shaqallo badan farta Cusmaaniyada. Dad badan oo wakhtigaasi isbarbardhigay waxay ku sheegeen farta Boorama in ahayd midii ugu casrisanayd geyiga Soomaalida wakhtigaas. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Maalintan

Af-Soomaali waa luqad Afro-Aasiyatik ah oo ay leedahay laanta Kushiitik . Waxay afka hooyo u tahay Soomaalida ku nool dhulka Soomaaliweyn iyo qurbo joogta Soomaaliyeed. Afka Soomaaliga waa afka rasmiga ee Soomaaliya Afka Soomaaliga waxaa ku hadla Soomaalida ku nool dalka Soomaaliya , Jabuuti , Itoobiya , Yemen , Kenya , iyo qurba joogta Soomaalida . Waxaa sidoo kale ku hadlo dad tiro yar oo ka soo jeeda qowmiyadaha tirada yar ee ku sugan agagaarkaas Laga soo bilaabo 2016, waxaa jiray dad gaaraayo ku dhawaad 36.6 milyan oo qof oo ku hadla af soomaaliga, oo kala degan dhulka soomaali wayn, taas oo ku dhawaad 15 milyan ay ku noolyihiin Soomaaliya. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Sawirka Maanta
Maanta Oo Kale
Xusuusta dhacdooyinka maanta
Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :
Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan
|
|
|
Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia
Luuqadaha kale Wikibidhiya
Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.
-
1,000,000+ maqaalo
-
250,000+ maqaalo
-
10,000+ maqaalo

















